NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in 8-dii bishan howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dileen Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama.

NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu ka mid ah shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhagar-qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta baadda iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu howlanaa uruurinta dhaqaale sharci-darro ah oo laga qaadayay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka baadda shacabka, xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan golaha shuurada, Horjoogaha qeybta marin-habaabinta, sidoo kale, intii uu cadowgu haystay magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha magaalada Kismaayo.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles