Sunday, February 22, 2026

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee amni-darrada ka wada deegaannada ku teedsan webiga Shabeelle.

Deegaanka Xawaadley, oo hoos taga magaalada Jowhar, ayaa ah meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo isku xirka tuulooyinka gobolka.

Ciidamada ayaa sameynaya baaritaanno guri-guri ah, iyagoo hubinaya inaysan jirin xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanaya goobahaasi. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay ammaanka waddooyinka muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo gaadiidka isticmaala.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo xasiloonida deegaanka, lana burburiyo fariisimaha iyo godadka ay kooxdu ku dhuuman karto.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Khawaarijta, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha.

WARARKII KALE

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

Deni oo ka digay labo khatar oo halis ku ah dalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar...

Xamaas oo dib u qabsatay qeybo badan oo Qasa ah

Markii xabbad-joojin ay soo rogtay dowladda Maraykanka oo ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles