Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed Xaaji uu noqdo safiirkii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, sida lagu sheegay qoraal ay barta X ku daabacday wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil.

Danjiire Dr. Maxamed Xaaji, haatan waa la taliyaha Madaxweynaha Somaliland, waxana uu ka mid ahaa saraakiishii hormuudka u ahaa xiriirka ka dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland sannadkii 2025 oo dhan, ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Safiirka Israeli ayaa dhawaan loo magacaabi doonaa Somaliland – taas oo ah tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Israa’iil qoraalka kuma shaacin xiliga rasmiga ah ee ay safiir u soo magacaabi doonaan Somaliland.

“Waxaa intaa dheer, toddobaadkan, hay’adda MASHAV, oo ah Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Israa’iil ku qaban doonta koorso loogu talagalay in lagu caawiyo dhismaha, horumarinta, iyo qorsheynta qaybta biyaha ee Somaliland, iyo in la xoojiyo iskaashiga xirfadeed ee ka dhexeeya labada dhinac.

Kaddib markii ay Somaliland shaacisay in ay magacowday danjire u fadhiyi doona Israel, ayaa Tel Aviv dhankeeda waxa ay goor dhawayd in ay safiir u soo diri doonto Somaliland.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa lagu sheegay in tallaabada safiirka cusub ee oo dhawaan la magacaabi doono ay noqon doonto mid horusocod u ah labada dal, sida qoraalka lagu sheegay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles