Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis lala galayo Iran ” si ballaaran looga wadahadlay” isla markaana faahfaahinta dhowaan lagu dhawaaqi doono.
Heshiiska waxaa ku jiri doona dib u furista Marinka Hormuz, ayuu yiri Sabtidii, isaga oo aan bixin faahfaahintoo dheeri ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa hore ugu sheegay telefishinka dowladda in mowqifyada Maraykanka iyo Iran ay isu soo dhowaadeen toddobaadkii la soo dhaafay. Hase yeeshee, wuxuu ka digay in taasi aysan macnaheedu ahayn in heshiis laga gaaray arrimaha muhiimka ah, wuxuuna ku eedeeyay Maraykanka “hadallo is khilaafsan”.
Baraha bulshada, Trump wuxuu ku sheegay inuu wadahadal “aad u wanaagsan” uu la yeeshay madaxda Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, iyo kuwa kale, kaas oo ku saabsanaa “Heshiis Is-faham ah oo la xiriira NABADDA”.
“Waxaa si weyn looga heshiiyey heshiiskan, iyadoo ay harsan tahay oo keliya dhammaystirka u dhexeeya Dowladda Maraykanka, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyo dalalka kale ee ku lugta leh,” ayuu yiri Donald Trump.
Qodobada ugu waaweyn ee laga wada hadlayo waxaa kamid ah in Mareykanka uu si tartiib tartiib ah u yareeyo cunaqabateynta dhaqaale ee muddada dheer saarneyd Iiraan, kuwaasi oo si weyn u saameeyay dhaqaalaha dalkaasi, gaar ahaan shidaalka, bangiyada iyo ganacsiga caalamiga ah.
Taa beddelkeeda, Iiraan ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay fududeyso isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah ee marin-biyoodka Hormuz, oo kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka adduunka ay maraan.


