Madaxa shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegay in shirkaddu ay ka fiirsanayso kordhinta awoodda dhuumaha qaada Shidaalka cayriin, kuwaas oo ka leexda marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Amin Nasser ayaa sheegay in Aramco ay baadhayso waddooyin kale oo shidaalka lagu dhoofiyo, iyo sidoo kale kordhinta kaydka shidaalka ee ay ku leedahay dalalka dibadda.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah suurtagalnimada in la kordhiyo awoodda dhuumaha shidaalka ee isku xira bariga iyo galbeedka Sacuudiga, kuwaas oo shidaalka gaarsiiya dekedaha dhoofinta ee ku yaalla Badda Cas.
Dhuumahaas oo dhowr jeer la weeraray intii uu socday dagaalka Mareykanka iyo Iran, ayaa awood u leh inay qaadaan ilaa toddoba milyan oo foosto oo saliid ah maalintii.
Nasser ayaa sheegay in Aramco ay muujisay adkaysi iyo awood ay kula tacaasho xaaladahan. Shirkaddu waxay sheegtay in faa’iidadeeda saafiga ah ee rubucii saddexaad ee sannadkan ay kor u kacday in ka badan saddex meelood meel.
Arrintan ayaa imanaysa xilli dunidu ay weli wajahaysa khalkhalka ugu weyn ee taariikhda ku yimaadda sahayda tamarta.
Xannibaadda marinka Hormuz, tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku isku mar weerareen Iran, ayaa wax ka beddeshay waddooyinka caalamka ee lagu dhoofiyo tamarta iyo mudnaanta maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Gacanka Faaris.
Ka hor xannibaadda, qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka dunida laga isticmaalo ayaa mari jiray marinkan.
Aramco oo qorshaynaysa inay kordhiso awoodda dhuumaha shidaalka ee mara marinka Hormuz
NAGU SOO BIIR


