Sunday, December 28, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Maray Fariisimaha Ciidanka ee Degmada Ceel Dheer

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ka howlgala.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo sida ay u fuliyaan waajibaadkooda difaaca dalka.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay uga difaacayaan dalka iyo dadkooda kooxda Al-Shabaab. “Waxaad tihiin halyeeyo u taagan difaaca qarankeenna. Hawlaha aad qabataan waa kuwa mudan in lagu faano,” ayuu yiri Taliyaha intii uu booqashada ku guda jiray.

Intii uu ku sugnaa Ceel Dheer, Taliyaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada gobolka. Kulammadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlgalka ciidanka iyo qorsheyaasha horumarineed ee amniga.

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ayaa saraakiisha faray inay ka go’naadaan fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud la dardargelin doono. Wuxuu ciidamada ku booriyay inay u diyaar garoobaan howlgallo waaweyn oo la filayo inay bilaabaan maalmaha soo socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah fadhiisimaha muhiimka ah ee ciidamada, halkaas oo uu kula kulmay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan difaaca shacabka iyo in lagu sii adkeeyo nabadda laga hirgeliyay deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Kormeerka Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ee Degmada Ceel Dheer ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida deegaannada ay saameeyeen AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles