Tuesday, June 30, 2026

Erdogan“Muqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga”

Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdoğan,  ayaa sheegay in Turkigu yahay rajada ay ka war sugayaan dalal badan oo Muslim ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in doorka dalkiisa uu si isa soo taraysa uga muuqanayo arrimaha amniga, horumarka iyo gargaarka caalamiga ah.

Erdoğan oo khudbad u jeedinayay xubnaha xisbigiisa AK Party, ayaa sheegay in xisbiga iyo dowladda Turkigu aysan rajo u ahayn oo keliya shacabka Turkiga, balse sidoo kale ay rajo u yihiin dunida Islaamka.

“Ha niyad jabina. Waxaad tihiin rajada keliya ee Qasa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuum, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan,” ayuu yiri Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in magaalooyin iyo dalal kale sida Nicosia, Baku, Sarajevo, Skopje, Prizren, Baqdaad iyo Basra ay si dhow ula socdaan doorka Turkiga, isagoo ku boorriyey xubnaha xisbigiisa inay sii wadaan dadaalladooda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u soo xoogaystay tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Erdoğan uu ku tagay Muqdisho sannadkii 2011, xilli ay Soomaaliya wajahaysay abaar iyo amni darro.

Tan iyo xilligaas, Turkigu wuxuu noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo ka hirgeliyay mashaariic waaweyn oo dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimo.

Dhanka amniga, Turkigu wuxuu door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya, isagoo ka dhisay Muqdisho xerada tababarka ciidamada ee Turksom, halkaas oo kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu tababaray.

Sidoo kale, labada dal ayaa sii xoojiyay iskaashigooda dhinaca tamarta, iyadoo Turkigu uu haatan ka wado xeebaha Soomaaliya howlaha sahminta iyo qodista shidaalka, taas oo qayb ka ah heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen labada dowladood.

Hadalka Erdoğan ayaa imanaya xilli xiriirka Ankara iyo Muqdisho uu marayo heerkii ugu xoogga badnaa, iyadoo iskaashiga labada dal uu ku fidsan yahay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35...

MW Xasan Sheekh oo Weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay...

Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan...

MW Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wadahadlay xaalka Soomaaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Salma Malik Haddadi, ayaa...

Q.M oo war ka soo saartay xaalada Koofur Afrika

Qaramada Midoobay (UN) ayaa sheegtay in ay si dhow...

Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles