Sunday, July 5, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Korneyl Saciid Cabdirisaaq, oo ah Taliyaha Ciidanka PSF ee Puntland, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, taas oo maalmahan dambe sii xoogeysatay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay muddooyinkii u dambeeyay ciidamo ka qoraneysay deegaannada Puntland, arrintaas oo maamulka Puntland si kulul uga hadlay marar kala duwan, kana muujiyay walaac ku aaddan qaabka ay wax u socdaan.

Sidoo kale, maalmihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta isku marinayay hadallo adag iyo erayo xanaf leh madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland, kuwaas oo sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Qaabilaadda Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sameeyay Taliyaha PSF ayaa kusoo beegmeysa xilli isha lagu hayo xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, ciidamada iyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer maamul goboleed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

 DF oo shaacisay howlgal ka dhacay Farsoleey oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorsheysan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles