Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook si adag ugu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in halkii dalka laga xoreyn lahaa argagixisada, ay dowladdu gashay waxa uu ku tilmaamay “qabsasho dowladeed” (State Capture).

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal geliyay hal-ku-dhigga “Dal Xoreeye”, isagoo yiri: “Dal miyaa la xoreeyey, mise Dowlad ayaa la qabsaday?” Waxa uu sheegay in shacabka loo sheegay in dalka laga xoreynayo kooxaha argagixisada ah, balse sida uu hadalka u dhigay, qorshaha dhabta ah ee qarsoonaa uu ahaa in la qabsado hay’adaha dowladda.

Siyaasiga mucaaradka ah ayaa sharaxay waxa cilmiga siyaasadda loogu yeero State Capture, isagoo ku tilmaamay xaalad ay koox yar oo siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil ciidan ah si isku xiran u maamulaan hay’adaha dowladda, una adeegsadaan ilaalinta awooddooda iyo danahooda gaarka ah, halkii ay ugu shaqeyn lahaayeen shacabka iyo danta qaranka.

Qoraalkiisa ayuu ku taxay dhowr astaamood oo uu sheegay in lagu garto “qabsashada dowladda”, kuwaas oo ay ka mid yihiin in xilalka lagu bixiyo eex, qaraabo-kiil iyo daacadnimo gaar ah halkii karti lagu saleyn lahaa, in sharciga si kala duwan loogu dhaqmo dadka awoodda leh iyo kuwa tabarta yar, iyo in qandaraasyada, hantida iyo khayraadka qaranka ay gacanta ku dhigaan koox yar oo isku xiran.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda in baarlamaanka, garsoorka iyo hay’adaha madax-bannaan laga dhigay magac-u-yaal, isla markaana ciidanka loo adeegsaday danaha kooxda talada haysa, halkii ay ka difaaci lahaayeen qaranka iyo shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in doorashooyinka loo adeegsaday sii haysashada xukunka, halka musuqmaasuqa, sida uu sheegay, uu noqday mid baahsan, kalsoonidii shacabka ay luntay, ganacsigii uu burburay, maalgashiguna uu dibadda u baxay.

Xildhibaanka mucaaradka ah ayaa ku baaqay in laga hortago waxa uu ku tilmaamay koox qabsatay dowladda, isagoo si toos ah u weeraray Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles