Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaanka.

Kormeerkan ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa intii ay ku sugnaayeen Ceeldheer kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, horumarka howlgalada socda, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaadayso howlgallada militari ee ka socda qaybo kamid ah gobollada dhexe, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles