Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan maareynta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka iyo badda Puntland, isagoo sheegay in aan wax hawlgal, maalgashi ama heshiis ah laga fulin karin deegaannada Puntland iyada oo aan fasax iyo oggolaansho hore laga helin hay’adaha maamulkaas.

Puntland waxay si gaar ah u xustay in shirkado shisheeye ama kuwo dowladeed, oo ay ku jirto SOMTURK, aysan wax hawlo ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama adeegyo kale uga fulin karin badda iyo dhulka Puntland iyaga oo aan marka hore oggolaansho ka helin hay’adaha Puntland ee ay quseyso.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiyaan heshiisyo ama tanaasulaad la xiriira deegaan iyo bad ku jira xadka Puntland, iyadoo Puntland ku doodday in arrimaha kheyraadka lagu saleeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee federaalka iyo dastuurka Puntland.

Puntland ayaa ka digtay in cid kasta oo ka hawlgasha dhulkeeda ama baddeeda iyada oo aan fasax ka haysan maamulka ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci iyo kuwo kormeer ah oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada Puntland

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles