Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen siyaasad qofeysan, islamarkaana Dowladda Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah ay isla garteen in dalka dib-u-habeyn siyaasadeed laga sameeyo dalkana uu u jiheysto siyaasad xisbi iyo doorasho qof iyo cod ah.

“ Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedkada in badan oo ka mid ah waxaa la iska gartay dalka in dib-u-habeyn siyaasadeed oo rasmi ah laga sameeyo oo sida adduunyada ay taqaano u dhaqano, Siyaasad qofeysan Soomaaliya way kasoo daashay mana kusii jireyso, waxaana dalka ka hana-qaaday Siyaasad leh nidaam la yaqaano oo shacabku leeyahay.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashooyinkii nabadoonaa ee taariikhiga ahaa ee qabsoomay ay direen fariin doorasho qof iyo cod ah oo dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen, isaga oo xusay in dalka intiisa kale la gaarsiinayo doorashooyinka tooska ah ee hadda socda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah, dalka intiisa kale waa la gaarsiinayaa waana ka dhaqan-geleysaa.”

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in doorashooyinkii taariikhiga ah ee ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo Dowlad dhiska, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu dalka ka gudbay xilligii ay doorashooyinka ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku saleysan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles