Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira dhalashada Mareykanka ee xildhibaan Ilhaan Cumar, iyadoo la eegayo eedeymo ku saabsan in xog aan sax ahayn lagu qoray dukumentiyada socdaalka ee ay iyada ama aabaheed gudbiyeen tobannaan sano ka hor, sida uu baahiyay wargeyska The Wall Street Journal.

Warbixinta wargeyska ayaa sheegaysa in baaritaanku diiradda saarayo qaabkii Ilhaan Cumar ku heshay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000, gaar ahaan xogta la xiriirta da’deeda xilligaas. Ilhaan ayaa Mareykanka ku tagtay iyadoo qaxooti ah sanadkii 1995.

Sida ay wargeysku ka soo xigtay saraakiil Mareykan ah iyo ilo xog-ogaal u ah baaritaanka, maamulka Trump ayaa doonaya inuu ururiyo xog suuragelin karta in tallaabo sharci ah laga qaado xildhibaannadda, taas oo ay ku jirto suurtagalnimada in dhalashadeeda laga qaado, isla markaana dalka laga masaafuriyo.

Ilhaan Cumar ayaa hore u beenisay eedeymaha la xiriira khiyaanada socdaalka, iyadoo ku tilmaantay olole siyaasadeed oo ka dhan ah iyada, kaas oo ay sheegtay inuu xiriir la leeyahay madaxweyne Donald Trump.

Ilaa hadda, wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin Ilhaan Cumar, mana jiraan caddeymo dadweynaha loo soo bandhigay oo xaqiijinaya inay gashay dembi la xiriira dukumentiyadeeda socdaalka.

Baaritaankan ayaa kusoo aadaya laba maalmood kaddib markii saraakiil ka tirsan waaxda baarista dambiyada ee Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar ee magaalada Washington.

Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Ilhaan Cumar iyo maamulka Trump, iyadoo aan weli la ogeyn tallaabada xigta ee hay’adaha Mareykanka ka qaadi doonaan baaritaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles