Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Barakacayaasha

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiila Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa manta Muqdisho ka daah-furay Shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, sigaar ah waxaa shirka diirada lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolal maalmeedka dadka barakacyaasha ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo daah furay madasha ayaa xusay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo dhaxal-gal u noqon doona qaxootiga, barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay, iyada oo diiradda lasaari doono Kobcinta xirfadaha iyo shaqo abuurka dadka nugul.

Mohamed Kaarshe oo ah wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa carabaabay in IGAD ay ka go’an tahay sidii dowladda Soomaaliyeed loogu garab siin lahaa shaqo abuurka, isaga oo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ku ammaanay sida ay ahmiyad weyn u siiyeen dhinacyada Xalalka waara ee Barakacyaasha.

WARARKII KALE

Uganda oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya

Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo qeyb...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles