Monday, February 16, 2026

Madaxweyne Xaasan Sheekh oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Aazerbaijan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku gaaray magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaasi.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijani.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles