Monday, August 10, 2026

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles