Wednesday, March 19, 2025

Madaxweyne Xaasan Sheekh oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Aazerbaijan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku gaaray magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaasi.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijani.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles