Tuesday, July 7, 2026

Paul Merson oo u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysanayso Horyaalka Premier League

Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa ku adkeystay in Liverpool ay hanan doonto horyaalka  Premier League xilli-ciyaareedkan, inkastoo ay barbaro 2-2 ah la galeen kooxda ay halka magaalo ka wada dhisan yihiin ee Everton.Merson ayaa xitaa sheegay in haddii Liverpool ay ilaashan lahayd guusha Merseyside Derby, ay gabi ahaanba soo afjari lahayd rajadii Arsenal ee ku guuleysiga horyaalka.

“Haddii ay guuleysan lahaayeen, tartanka Premier League wuu dhammaan lahaa,” ayuu yiri Merson oo la hadlayay Metro Khamiistii.

“Ha ii fahmin si qaldan, Liverpool weli waa kooxda ugu cadcad inay ku guuleystaan horyaalka. Laakiin dareenkeygu wuxuu ii sheegayaa inuusan tartanku noqon doonin sida la filayay dhowr toddobaad kahor.”

Barbarihii 2-2 ee ay Liverpool la gashay Everton wuxuu ka dhigay inay 7 dhibcood ka sareyso Arsenal, oo ku jirta kaalinta labaad, halka ay 10 dhibcood ka horreyso kooxda saddexaad ee Nottingham Forest.

Si Arsenal ay u hanato horyaalka, Liverpool waa inay lumiso kulamo isla markaana barbaro gasho mid kale, halka Gunners ay u baahan tahay inay si joogto ah u guuleysato.

Si kastaba ha ahaatee, Merson wuxuu aaminsan yahay in barbaraha Everton uu cadaadis saari doono Liverpool.

“Kubadda cagta waxyaabo layaab leh ayaa ka dhici kara, sidaas darteed haddii aad tahay Arsenal, waa inaad sii wadato guulaha oo aad cadaadis saartaa Liverpool,” ayuu yiri.

Merson wuxuu rajeynayaa in xaaladdu is beddesho, maadaama kooxdiisii hore ee Arsenal ay si dirqi ah u wayday horyaalka xilli-ciyaareedkii hore, oo ay Manchester City qaaday.

WARARKII KALE

DFS oo la hadashay caqabadihii sababay in Cumar Cartan ka baaqdo Koobka Adduunka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Ciyaaryahan Diogo Jota oo geeriyooday

Weeraryahankii kooxda Liverpool Diogo Jota ayaa la shaaciyay in...

Maresca Oo Shaaciyay Go’aanka Chelsea Ay Ku Dooneyso Weeraryahan Cusub

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in Blues aysan...

Artera oo wax laga weydiiyay soo laabashada Bukayo Saka

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay soo...

Amorim oo sheegay in Man United ay iska iibineyso Ciyaaryahano

Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles