Tuesday, March 3, 2026

Trump oo afur ku casumay muslimiintii taageertay doorashadiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u mahadceliyay sida uu sheegay “kumannaan iyo kumannaan” Muslimiin Ameerikaan ah oo taageero u muujiyay tartankii madaxweynanimada ee 2024.

Trump ayaa markii kowaad ee muddo xileedkiisa labaad waxa uu martiqaad afur ah Aqalka Cad ugu sameeyay dad Muslimiin ah.

Madaxweynaha marka labaad la doortay ayaa bulshada Muslinka ah u sheegay in uu qaddarin weyn uga hayo doorashadii dhacday kal hore, sida ay sheegtay Wakaaladda Anadolu Ajansi (AA).

“Innaga oo xushmaynaya bisha barakeysan ee Ramadaanka, ii oggolaada in aan ka bilaabo saaxiibadeenna Muslimiinta ah – Waxa caawa halka in la jooga qaar badan, waxaana u malaynayaa in meelo kale oo caalamka ahna aan ku leenahay saaxiibbo badan, iyada oo lagu salaynayo natiijooyinkii gobolka Michigan iyo meelo kale, ayuu yidhi Trump.”

“Waxaan kaliya doonayaa in aan salaamo dadka sida xooggan noogu taageeray doorashada. Ramadan Mubaarak,” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay munaasiabddan cashada ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uu ku hawlan yahay hirgelinta nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe, iyo Axdiga Ibraahiimiyada (Abraham Accord) oo uu ku sheegay mid macquul ah oo dad badan ay soo dhaweeyeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles