Monday, September 1, 2025

Trump oo afur ku casumay muslimiintii taageertay doorashadiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u mahadceliyay sida uu sheegay “kumannaan iyo kumannaan” Muslimiin Ameerikaan ah oo taageero u muujiyay tartankii madaxweynanimada ee 2024.

Trump ayaa markii kowaad ee muddo xileedkiisa labaad waxa uu martiqaad afur ah Aqalka Cad ugu sameeyay dad Muslimiin ah.

Madaxweynaha marka labaad la doortay ayaa bulshada Muslinka ah u sheegay in uu qaddarin weyn uga hayo doorashadii dhacday kal hore, sida ay sheegtay Wakaaladda Anadolu Ajansi (AA).

“Innaga oo xushmaynaya bisha barakeysan ee Ramadaanka, ii oggolaada in aan ka bilaabo saaxiibadeenna Muslimiinta ah โ€“ Waxa caawa halka in la jooga qaar badan, waxaana u malaynayaa in meelo kale oo caalamka ahna aan ku leenahay saaxiibbo badan, iyada oo lagu salaynayo natiijooyinkii gobolka Michigan iyo meelo kale, ayuu yidhi Trump.”

“Waxaan kaliya doonayaa in aan salaamo dadka sida xooggan noogu taageeray doorashada. Ramadan Mubaarak,” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay munaasiabddan cashada ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uu ku hawlan yahay hirgelinta nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe, iyo Axdiga Ibraahiimiyada (Abraham Accord) oo uu ku sheegay mid macquul ah oo dad badan ay soo dhaweeyeen.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles