Thursday, June 18, 2026

NISA oo war ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno Al-shabaab ee ku sugnaa G/Sh/Dhexe

War ka soo baxay Ciidamada NISA ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xoogga ay howlgal duqeyn ah lagu dilay xubno ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

“Howlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Ma jiro ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka soo ka soo baxay taliska Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kordhay duqeymaha ay Dowladda Soomaaliya la beegsanayso Maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii ay kooxdu soo qaaday weerarro is-dabajoog ah.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamadii ugu badnaa ay ku sugan yihiin gobolkaasi, waxaana la filayaa in dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay bilowday howlgalka wejigiisa labaad, kaasi oo Al-shabaab looga saaarayo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles