Wednesday, July 30, 2025

NISA oo war ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno Al-shabaab ee ku sugnaa G/Sh/Dhexe

War ka soo baxay Ciidamada NISA ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xoogga ay howlgal duqeyn ah lagu dilay xubno ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

“Howlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Ma jiro ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka soo ka soo baxay taliska Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kordhay duqeymaha ay Dowladda Soomaaliya la beegsanayso Maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii ay kooxdu soo qaaday weerarro is-dabajoog ah.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamadii ugu badnaa ay ku sugan yihiin gobolkaasi, waxaana la filayaa in dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay bilowday howlgalka wejigiisa labaad, kaasi oo Al-shabaab looga saaarayo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles