Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne xasan sheekh oo salaadda ciidda kula oogay kumannaan shacab ah masjidka isbahaysiga islaamka

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

AUSSOM oo ka hadashay diyaarad ku dhacday Garoonka Muqdisho

Shan ruux ayaa ku geeriyootay, halka saddex kale loola...

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka oo Maanta shir xasaasi ah ugu socda Muqdisho

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka  ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif...

Maxay ka wadahadleen RW ku xigeenka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed...

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Waxaa maanta isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada...

DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles