Thursday, April 30, 2026

Soomaaliland oo ka hortimid qorshaha MW Xasan Sheekh uu Mareykanka ku siinayo Dekad iyo Saldhig Ciidan

War qoraal ah oo uu ku baahiyay  Bartiisa X ee loo aqoon jiray Twitter Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ka horyimid qorshaha madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan inuu deked iyo saldhigyo uu Mareykanka ka siiyo deegaanadeeda, isagoona arrintan ku sifeeyay in tallaabada madaxweynaha Soomaaliya, uu ugu bandhigay Maraykanka inuu ku wareejinayo dekedda iyo garoonka Berbera ay tahay tusaale dhammaystiran oo fasiraya beenta iyo  dawladnimada fashilantay ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeen Xuseen Deyr  ayaa waxa  uu cambaareeyay hindiso uu ku sheegay in ay tahay been abuurka ee Soomaaliya ku tilmaamay in daboolka lagu saarayo waaqaca dhabta ah.

Maraykanka iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu ugu baaqay inay aqoonsadaan madaxbannaanida J Somaliland oo leh hantida uu madaxweynaha Soomaaliya sida been abuurka ah u sheeganayo, sida uu yiri afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa qoraalkiisa intaas ku daray in dekedda iyo Garoonka  Berbera ay yihiin kaabeyaasha istaraatajiga ah ee dhaqaalaha maamulka Somaliland.

” Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda oo waafaqsan xuduudihii gumeystuhu ka tagay, waxa ay Somaliland dhidibada u taagtay dawlad xasilloon, dimuqraadi ah, isla markaana is bixisay,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale qoraalkiisa sii wata waxaa uu ku dooday in Somaliland ay si buuxda u xukunto xudduudaheeda badda, dhulka, hawada, iyo dhammaan hantida qaran ee muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Dekedaha  iyo Garoonka magaalada Berbera.

Sidoo kale Afhyeenka waxaa uu shaaca ka qaaday in sheegashada gurracan iyo farogelinta Madaxweyne Xasan Sheekh  ee ku wajahan arrimaha Somaliland ay tilmaamayso been abuurkiisa indho la’aanta, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dekedda  iyo garoonka  Berbera waxay door muhiim ah ka qaataan kobcinta ganacsiga gobolka, kasbashada maalgashiga, iyo sugidda amniga Geeska Afrika. waxaa naga  go’an in la ilaaliyo madax-bannaanideenna iyo in hantideenna qaran ay u adeegaan danaha shacabka Somaliland, isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka gobolka,” ayuu yiri Afhayeen Xuseen Deyr.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles