Jenaraal Maxamed Xamdaan Daagalo oo qirtay in lagaga adkaaday Khartuum

Taliyaha ciidanka gurmadka degdegga ee loo yaqaan RSF Jeneraal  Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti), ayaa qirtay in ciidankiisa ku guuldareesteen in ay sii joogaan magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, kaddib markii weerar culus kala kulmneen ciidanka milatariga.

Muuqaal uu soo duubay Jeneraalka ayuu ku sheegay in ciidankiisa isaga baxeen magaalada Khartuum, waxa uuna qiray in dagaalkii ka dhacay caasimadda ciidankiisa looga adkaaay, balse waxa uu xusay in ay dib isku soo abaabuli doonaan.

Taliyaha ciidanka RSF , ayaa ku hanjabay in ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Khartuum iyaga oo ka awood badan sida ay hadda yihiin, waxa uuna sheegay in sidoo kale la wareegi doonaan gobolada kale ee Sudan ka kooban tahay ay joogaan hadda milatariga.

“Haa. Waan ka baxnay Khartuum, laakiin idinka Ilaahay waxaan soo laaban doonnaa annaga oo intan ka xoog badan. Waanan guulasyan doonnaa. Haddii Eebbe qaddaro, waan jabin doonnaa. Ma aha keliya Omdurman, laakiin waxaan qabsan doonaa Khartuum, Baxri iyo dhammaan 18-ka gobol.”” ayuu yidhi Janaraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti).

Hadalka taliyaha ciidanka RSF , ayaa kusoo adaya xilli ciidanka milatariga Sudan guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii ay kula jireen ciidanka RSF, waxa ayna milatariga mar kale sheegeen in ay hubka u qaada doonaan sidii kooxdan looga sifeyn lahaa guud ahaan dalka Sudan.

WARARKII KALE

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles