Monday, August 17, 2026

Midowga Afrika oo guddiga dhex dhexaadin ah u diraya Koofurta Sudan

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Koofurta Suudaan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Naasir, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Koofruta Sudan iyo maleeshiyaad hubeysan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wadahadallo toos ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, iyagoona ka wadahadlay dejinta xiisada ka taagan dalkaasi ee u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay midowga afrika ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Koofurta Sudan, Isagoo muujiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay wadahadal, dib u heshiisiin, iyo nabad waarta.

Si kor loogu qaado dadaallada dhex dhexaadinta iyo taageeridda si buuxda loogu dhaqan geliyo Heshiiskii Dib loo soo cusboonaysiiyo, si loo Xasiliyo Khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Guddoomiyaha Midowga ayaa sheegay sheegay inuu magaalada Jubba uu u dirayo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Guddiga dhex dhexaadinta ee Midowga Afrika si ay ula kulmaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaboojiyo xiisadaha loona horumariyo wada-hadallada.

“AU waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan dhammaan qodobbada R-ARCSS oo ay xaqiijiyaan dhaqangelintiisa.”

Sidoo kale dadaalka Midowga Afrika ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Ururada IGAD, iyo qaramada midoobay, si nabad waarta looga hirgeliyo koofurta Sudan.

Talaabadan wafdiga loogu dirayo magaalada Jubba ayaa timid kadib markii ciidamada amamanka ay xireen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, waxaana burburay heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka socday shantii sano ee la soo dhaafay,

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles