Weerar lagu qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo marayay duleedka degmada Mahadaay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo marayay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Weerarka lala beegsaday in maleeshiyaadka ay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Gobolka gobolka Shabeelada dhexe, waxaana la sheegay in xubnaha la dilay ay wadeen Raashiin, Islamarkaana ay saarnaayeen mid ka mid ah mootooyinka.

Howgalka iyo weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay deegaanka Cabdulle-Barbaar.

Bashiir Indha Buur oo ka mid ah saraakiisha Macawisleyda ayaa Risaala Media u xaqiijiyay weerarka, waxaa uuna sheegay in ay dileen 5 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, Islamarkaana hub ay ka soo furteen kooxda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay gubeen mootada ay wateen kooxda Al-shabaab.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isticmaala wadooyinka gala deegaanada Ciid ciidka, Cabdulle-Barbaar iyo deegaanada kale u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe, sid ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada dadka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay kordhay howlgalada qorsheysan iyo weerarada ay ku qaadayaan meelaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Gobolka shabeelada dhexe ayaa waxaa ka socda Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles