Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay inay sii xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya labada dal

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa hambalyo waxa uu u diray dhigiisa Dalka Jabuuti Cabduqaadir Xuseen Cumar oo shalay loo magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha Dibadda ee Jabuuti.

Wasiir Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay , Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isaga oo u jeediyay hambalyo diirran oo ku aaddan xilka loo magacaabay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Intii khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Fiqi waxa uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale waxa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Fiqi u caddeeyay dhigiisa Jabuuti aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga iyo kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka Jabuutiyaanka ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles