Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ay ka fuliyeen Deegaanada Puntland

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa war ka asoo saaray duqeyn uu ka fuliyey Puntland, taasi oo siyaabo kala duwan ay uga hadleen Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in codsi ka yimid dowladda Soomaaliya kadib 1 bishaan April duqeyn laga fuliyey Koofur Bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xubno badan oo ka tirsanaa kooxda daacish ayaa lagu dilay duqeynta sidoo kale ma jiro khasaaro soo gaaray dad rayid ah dhaawac ama dhimasho sida uu sheegay taliska africom ee mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah daacish isaga oo kaashanaya ciidamada dowlada maadama kooxda daacish ay khatar ku tahay amniga soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn ee Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Taageerada ugu badan ayaa ah duqeymaha lala beegsado saldhigyada iyo goobaha ay isku aruursanayaan marka lagu jabiyo dagaalka dhinaca dhulka ah.

Tan iyo markii uu bilawday howgalka hilaac ee puntland looga sifeynayo kooxda daacish Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ka fuliyey buuraha calmiskaat oo saldhig u ahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles