Tuesday, July 1, 2025

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ay ka fuliyeen Deegaanada Puntland

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa war ka asoo saaray duqeyn uu ka fuliyey Puntland, taasi oo siyaabo kala duwan ay uga hadleen Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in codsi ka yimid dowladda Soomaaliya kadib 1 bishaan April duqeyn laga fuliyey Koofur Bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xubno badan oo ka tirsanaa kooxda daacish ayaa lagu dilay duqeynta sidoo kale ma jiro khasaaro soo gaaray dad rayid ah dhaawac ama dhimasho sida uu sheegay taliska africom ee mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah daacish isaga oo kaashanaya ciidamada dowlada maadama kooxda daacish ay khatar ku tahay amniga soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn ee Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Taageerada ugu badan ayaa ah duqeymaha lala beegsado saldhigyada iyo goobaha ay isku aruursanayaan marka lagu jabiyo dagaalka dhinaca dhulka ah.

Tan iyo markii uu bilawday howgalka hilaac ee puntland looga sifeynayo kooxda daacish Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ka fuliyey buuraha calmiskaat oo saldhig u ahaa.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles