Saturday, August 30, 2025

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa muxuu ka yiri doorashada maanta ka dhacday Waqooyi Bari?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo...

70 qof oo tahriibayaal ahaa oo badda ku dhintay

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay badda kadib...

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

Doorashada ka socotay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka cusub...

Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliyav

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa si rasmi ah loogu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles