Thursday, April 30, 2026

Taliyaha ilaalada Madaxtooyada Qaranka oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Taliyaha cusub ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay, Taliyihii hore ee Guutada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada Qaranka.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh sugidda ammaanka Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Taliyihii hore ee Guutada shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilkan hayay.

Dhankiisa, Taliyihii hore ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, ayaa ka dalbaday Sarreeyaasha, iyo Saraakiisha Guutada in ay ku garab istaagaan Taliyaha cusub gudashada masuuliyadda loo igmaday, isaga oo ku ammaanay howlkarnimadii uu muujiyay muddada uu Taliyaha cusubi ahaa Taliyaha Ilaada gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa muddo kaa badan 14 sano ah kusoo dhex jiray Ciidamada Qalabka sida, isaga oo kasoo qabtay mas’uuliyada kala duwan sida Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, xilkaasi oo uu hayay sanadihii u dambeeyay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Guddiga Xilwareejinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles