Wafdi hor u dhac u ah RW Xamsa oo ku qulqulaya Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Amniga guud ee deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan magaalada Laascaanood, ayaa la adkeeyay, iyadoo la kordhiyay goobaha baaritaanka gaadiidka si loo xaqiijiyo nabadgelyada, maadaama magaaladaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Wafuud kala duwan oo hor u dhac u ah safarka R/wasaare Xamsa ayaa ku soo qul qulaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaa maanta la filaya in magaalada Laascaanood ay gaaraan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano, kuwaasi oo gogol xaar u ah wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Shalay waxaa magaalada Laascaanood gaaray, ilaalada R/wasaare Xamsa, qaar ka mid ah howlwadeenada Xafiiskiisa iyo xubno ka soo jeedo deegaanada SSC Khaatuma.

Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii ambaqaado howlaha harsan ee maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana wajahaya xaalado dagaal.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka xog-wareysan doona horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira iyo baahiyaha gaarka ah.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Ra’iisul Wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi KMG ah.

Somaliland, oo si weyn uga hortimid qorshaha Ra’iisul Wasaare Xamza ee safarkiisa Laascaanood, ayaa sidoo kale ka digtay booqashadan, waxayna sheegtay inuu la xiriirayo arrimo siyaasadeed iyo hurinta colaadda ka taagan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles