Thursday, June 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga ugu qeyb-galaya shirweynaha Dibloomaasiyadda ee Antalya Forum oo lagu wado inuu dalkaasi ka qabsoomo.

Shirka ayaa socon doono  11- ilaa 13 Abriil 2025, iyadoona madaxda kala duwan ay ka qeyb gali doonaan shirkan, waxana madaxweynaha shirka ku wehlinaya Wasiirka dekedaha Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiiru dowldaha wasaarada arimaha dibada ee Cali Balcad.

Ajendaha shirka ayaa ah “doorka dibloomaasiyadeed ee lagu xallin karo caqabadaha ka dhashay kala qeybsanaanta caalamka”.

Shirka ayaa la kulmin doonaa madax sare, khubaro iyo danjireyaal si loo dhiirrigeliyo wada-xaajood iyo iskaashi caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madasha ku soo bandhigi doono aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, isagoo khudbadiisa diirada ku saari doono in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda ka qeyb galaya Shirka.

Shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, ayaa sanadkan la filayaa in ay ka soo qeyb galaan, 12 Madaxweyne, 47 Wasiir arrimo dibadeed, wakiilo ka socda ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, hogaamiyaasha ra’yiga iyo aqoonyahano ka kala socda daafaha dunida.

Madasha Antalya, waxaa looga hadlo doonaa fursadaha jira ee diblumaasiyadeed, dhibaatooyinka cunsuriyadda sii kordheysa, ajnabi naceybka iyo argagixisada khatarta ku ah guud ahaan aadanaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10  06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Aadan Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray...

Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha...

Doorashada Hoggaanka KGS oo ka bilaabatay Baydhabo iyo Shariif Xasan oo maqan

Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah uga...

Garsoore Cumar Cartan oo soo gaaray Muqdisho

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta dib ugu laabtay...

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles