Gudoomiyasha Labada Aqal BFS oo Kulan Laqaatay Guddiga Dib U Eegista Iyo Dhameystirka Dastuurka

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen habdhowrka Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa guddiyadda qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.

Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles