Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maalmahan kulamo siyaasadeed muhiim ah ka wada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada sii xoojinaya iskaashiga u dhexeeya maamulka SSC-Khaatumo iyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa kulan is xogwaraysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka, kaalinta SSC-Khaatumo ee dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dalka, iyo sidii maamulka SSC-Khaatumo loogu dari lahaa istaraatiijiyadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, iyo Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf “Alcaddaala”. Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka SSC-Khaatumo uu ku doonayo in uu ku xoojiyo wada shaqeynta iyo wadatashiga siyaasadeed ee ay la leeyahay Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay madaxda dowladda sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, si gaar ah arrimaha la xiriira adeegyada bulshada, nabadgelyada, iyo xaqiijinta matalaadda shacabka SSC-Khaatumo.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles