Xisbiga cusub Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo lagu dhawaaqayo

Waxaa la filayaa  in magaalada Muqdisho looga dhawaaqayo urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururkan oo ah xisbigii UPD ee madaxweynaha oo la balaariyay ayaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo Toddobaadkii hore, balse wuxuu u baaqday Khilaaf ka dhashay awood qeybsiga xilalka sare ee Xisbiga, kadib diidmo ka timid Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Waxaa muddooyinkii dambe socday wada-hadallo siyaasadeed oo la sheegay in khilaafaasi lagu xaliyay. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyay inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee urur siyaasadeedka cusub ee Caddaaladda iyo Wadajirka.

Ururuka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa noqonaya xisbigii ugu horeeyay ee ay ku jiraan Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa ka tiirsan Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoone iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaana kaloo xu Xubnaha xisbiga ka mida Guddoonnada labada gole, Ra’iisal wasaaraha, golaha wasiirada iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Sida ay xogtu sheegeyso, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda haysta hoggaanka iyo uddoomiyaha xisbiga, iyadoo uu yahay musharaxa rasmiga ah ee xisbiga u matali doona doorashooyinka aan la isku raacsaney ee qabanqaabadoodu socoto.

Ujeedka dhismaha urur siyaasadeedkan ayaa lagu sheegay inuu mar saddexaad xukunka kusoo laabto Madaweyne Xasan Sheekh muddo 5 sano ah, isagoo heshiis kula galay Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed inay sidoo kale xilalka si heyn doonaan.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn uga hor yimid xisbiga cusub ee Madaxweynuhu dhisanayo, waxayna ku tilmaameen xisbi lagu boobayo hoggaanka dalka oo la mida xisbigii Kacaanka ee Dowladii Siyaad Barre.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles