Booliska Soomaaliya oo sheegay in howlgalka lagu qabtay koox dil iyo dhac ka geystay Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan,  ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u beeniyay wararka ku saabsanaa in sarkaal ka tirsanaa laamaha ammaanka uu is daldalay,balse uu tilmaamay in sarkaalkaasi la dilay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay howlgallo ballaaran oo laamaha ammaanka ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay kooxo looga shakisan yahay dilal iyo dhac , kuwaasi oo ka geystay qeybo ka mid ah caasimadda, gaar ahaan degmada Xamarjajab oo uu sheegay in saakay aroortii uu ka dhacay falkii ugu dambeeyay ee lagu dilay sarkaalka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in inta badan eedeysanayaasha dilalka geystay toddobaadyadii ugu dambeeyay ay horey u soo mareen maxkamado, isla markaana lagu xukumay dil toogasho ah, balse qaar ka mid ah lagu sii daayay dameyn, kadib markii ay dhinacyada heshiiyeen.

Booliska ayaa ballan qaaday in ay si adag ula dagaalami doonaan dambiyada abaabulan iyo kuwa dilalka ah, isla markaana ay cadaaladda hor keenayaan dhammaan dadka dambiyadaas ku lugta leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles