Wednesday, June 24, 2026

15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Taariikhda Ururkii SYL

15-ka May maanta oo kale  dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxaa laga xusayaa sanad-guuradii 82-aad ee ka soo wareegatay aasaaska ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League). Maalintan, oo ah maalin qaran oo qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, ayaa sanad kasta lagu xusaa halgankii taariikhiga ahaa ee ay horkaceen dhallinyaradii SYL ee horseedka u noqday gobannimada Soomaaliya.

Dabaaldegyo waa weyn ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollo badan oo dalka ah, iyadoo shacabka, gaar ahaan dhallinyarada, ay si weyn ugu dabaaldegayaan maalintan.

Ururka SYL waxa uu ku dhashay duruufo adag, iyadoo dalka Soomaaliyeed uu markaas u qaybsanaa shan qeybood oo ay kala haysteen gumeystayaal kala duwan oo reer Yurub ah. Maalinta 15-ka May 1943, 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, iyaga oo dhidibada u taagay ururkii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee u istaaga midnimada iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed. Ururkaas oo markii hore la oran jiray SYC (Somali Youth Club) ayaa sanadkii 1947 si rasmi ah loogu beddelay magaca SYL.

Ururka SYL waxa uu bilaabay safarkiisa siyaasadeed iyadoo ay aasaaseen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka kala yimid gobollada dalka. Waxay lahaayeen hal himilo: in ay Soomaaliya ka xoreeyaan gumeystihii reer Yurub, isla markaana la gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed midnimo iyo dowladnimo madax-bannaan.

Dhallinyaradaas waxaa ka mid ahaa:

C/qaadir Sheekh Saqaawadiin (Tiyeeglow, Bakool)

Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) (Mareeg, Galgaduud)

Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke (Hobyo, Mudug)

Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed (Muqdisho)

Iyo in ka badan 8 dhallinyaro kale oo ka kala yimid Gobollada Banaadir, Gedo, Shabeellaha Hoose, iyo Mudug.

Ururka SYL waxa uu horseed ka noqday kacdoonkii gobanimo doonka ahaa ee Soomaaliya, isagoo qaabeeyay fikradda Soomaali weyn iyo in la gaaro dawlad madax-bannaan oo calan u leh, lagana xoreeyo gumeysiga. SYL wuxuu hormuud u ahaa hannaankii siyaasadeed ee dalka, wuxuuna curiyay xukuumaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ka horreysay gobannimada sanadkii 1960.

Xuska maanta ma aha oo kaliya xasuus, balse waa digniin iyo dhiirrigelin la isugu daray jiilka cusub. Waxaa shacabka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed la xusuusinayaa qiimaha xorriyadda iyo halgankii dhiigga iyo naf-hurnimada lahaa ee lagu keenay. Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo in jiilka cusub uu fahmo qiimaha gobannimada iyo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta midnimada dalka, xoojinta dowladnimada, iyo horumarinta bulshada.

15-ka May waa maalin lagu xasuusto geesinimada, halganka, iyo himilada qaranimo ee dhallinyaradii SYL, kuwaasoo dhidibada u aasay dowlad Soomaaliyeed oo madax-bannaan. Waa maalin lagu xasuusto qiimaha midnimo qaran iyo in xorriyaddu aanay si sahlan ku iman. Jiilka maanta waxaa looga fadhiyaa inay midoobaan oo ay wax ka qabtaan caqadaha waa weyn ee maanta horyaala dalka oo ay ka mid ah koox daneystayaal ah, Argagixisada iyo dalalka Ajaanib ee weli hagar daamada ku yaala Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles