Tuesday, March 3, 2026

Dhalinyaro saf ugu jiray in ay ku biiraan ciidamada DF oo lagu qarxiyay xerada Damaanyo ee Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana xerada ka socotay diiwan gelinta ciidamo cusub oo ku biiraya ciidamada xoogga dalka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoona laba mooto bajaaj ah lagu qaaday dad dhaawac ah oo si degdeg ah loogu qaaday xarumaha caafimaadka. Waxaa la qaraxu uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday goobta lagu diiwaangelinayay dhalinyaro ka mid noqonaysa ciidamada.

Goobta ayaa la xiray, waxaana si weyn u sugan ciidamada ammaanka, kuwaas oo baaraya halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo cabsi laga qabo qaraxyo kale.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan qaraxa ismiidaaminta ah ee lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Sanadkii 2023 ayaa sidan oo kale loo qarxiyay xerada Damaanyo, xili ay diiwaan gelinayeen dhalin yaro badan, markaasi ku biiraysay ciidamada dowaldda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles