Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sabiib ee G/Sh/Hoose

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorshaysan oo ay ku beegsadeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu weeraray goobo lagu tuhunsanaa in ay saldhig u ahaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen godod ay kooxdaasi si qarsoodi ah ugu dhex jireen. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in duqeymo xooggan oo cirka ah lagu garaacay bartilmaameedyo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay agab ciidan iyo xarumo istaraatiiji ah oo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles