DFS oo walaac ka muujisay qorshe ay wadaan Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu ugu  walaacsan qorshe xoog leh oo ay siyaasiyiinta Mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada qof iyo cod oo ay wado dowladda.

Qaylo dhaantan ayaa waxaa saacadihii ugu dambeèyay jeediyay Wasiirada kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyagoo dareemay mowjad siyaasadeed oo ku soo food leh madaxda dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaya siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya, kuwaasi oo damacsan in ay qaadaan Tallaabooyin looga hortagayo qorshaha dowladda, halka madaxtooyada Soomaaliya ay hore u sheegtay in aan loo joojin doonin cidii ka aragti duwan ee dood qabta, taasoo keeni karta isku dhacyo hubeysan in dalka ay ka dhacaan.

Wasiirka dekedaha iyo Gaadiid Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yiri “Xooga Tirada badan ee Shacabka iney hogaankooda doortaan la rabo in lagu hor istaago, tolow maa khawaarij lagu wajaho oo saboolnimada lagula dagaalamo.War ka jooga waa baahanahay, bakhti looma cunee!”.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa in ay ka dhacaan kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles