Wednesday, September 3, 2025

Rooble iyo siyaasiyiin kale oo ku soo wajahan Muqdisho iyo waqtiga laga qabanayo shirka Mucaaradka

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo uu ku biiri doono koox siyaasiyiin ah oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo maalmahan ka socday caasimadda. Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Muqdisho ay durba yimaadeen Ra’iisul Wasaayaashii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxdan siyaasadeed ayaa qorsheynaya in ay beri shir ballaaran uga furmaan magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku doonayaan in ay mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, geeddi-socodka Dastuurka iyo xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jirta xilligan.

Mucaaradka ayaa u arka in hoggaanka dowladda hadda jirta uu dalka geliyay xaalad siyaasadeed oo aan degganayn, waxayna doonayaan in ay dhisaan isbahaysi xooggan oo saameyn ku yeesha go’aanada mustaqbalka dalka.

Shirka la filayo in uu berri furmo ayaa noqon doona mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu kusoo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo mid doorasho.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles