Tuesday, March 3, 2026

Rooble iyo siyaasiyiin kale oo ku soo wajahan Muqdisho iyo waqtiga laga qabanayo shirka Mucaaradka

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo uu ku biiri doono koox siyaasiyiin ah oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo maalmahan ka socday caasimadda. Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Muqdisho ay durba yimaadeen Ra’iisul Wasaayaashii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxdan siyaasadeed ayaa qorsheynaya in ay beri shir ballaaran uga furmaan magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku doonayaan in ay mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, geeddi-socodka Dastuurka iyo xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jirta xilligan.

Mucaaradka ayaa u arka in hoggaanka dowladda hadda jirta uu dalka geliyay xaalad siyaasadeed oo aan degganayn, waxayna doonayaan in ay dhisaan isbahaysi xooggan oo saameyn ku yeesha go’aanada mustaqbalka dalka.

Shirka la filayo in uu berri furmo ayaa noqon doona mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu kusoo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo mid doorasho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles