Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh uga digay ficillo ay ku tilmaameen mid hurinaya khilaaf siyaasadeed

War-murtiyeedka ayaa si toos ah loogu eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad, ayna arrintaasi halis ku tahay wadajirka ummadda iyo hannaanka dowlad-dhisidda dalka.

Madashu waxay ku dhaliishay madaxweynaha inuu dhaawacay mabda’a wadajirka iyo is-qadarin siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka, iyagoo uga digay ficillo ay ku tilmaameen mid hurinaya khilaaf siyaasadeed, gaar ahaan waxa ay ugu yeereen faquuqa siyaasadeed ee lagula dhaqmo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo xaaladda cakiran ee Gobolka Gedo.

Dhanka amniga, Madasha waxay shacabka iyo dowladda ugu baaqday midnimo qaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, waxay dhaliil u jeediyeen istiraatiijiyadda dowladda ee la dagaalanka argagixisada, iyagoo xusay in la dayacay ciidamada xoogga dalka iyo halgamayaasha deegaanka ee safka hore kaga jira dagaalka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyey muddo xileedka dhammaaday ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay muddo kordhinta iyo ku biirista xisbiga madaxweynaha inay yihiin tallaabooyin sharci darro ah oo la xiriira damac muddo kororsi.

Madashu waxay si cad ugu baaqday in la qabto kulan qaran oo ay ka qeyb galaan madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga tashado badbaadinta dalka, loona mideeyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada.

Waxay sidoo kale adkeeyeen in loo baahan yahay xal waara oo laga gaaro khilaafaadka ka taagan:

Dib-u-eegista dastuurka

Doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn

Maamulka dhaqaalaha dalka

Heshiisyada ku saabsan khayraadka dabiiciga ah

Ugu dambeyn, Madasha Samata-bixinta waxay ku baaqeen in si degdeg ah dib loogu bilaabo wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, si looga hortago ajandayaal shisheeye oo lagu doonayo kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles