Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si adag ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilaha u jeediya maamulka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan siyaasad mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo horseedda hannaanka dimuqraadiyadeed.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri “Haddii aad tabasho leedahay, xisbi siyaasadeed furto. Dadkiina u sheeg waxa aad qabateen. Tabasho joogto ah iyo ‘looma dhama’ waa wax dadka dib u dhigaya.”

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan jiri doonin wax fursad ah oo lagu sii cuni karo cabashooyinka salka la’, gaar ahaan marka dalka uu u socdo doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu si cad u yiri”Waa la i boobay, kursi ayaa hebel loo xiray — waa hadallo dhamaaday. Waxaan u soconnaa doorasho qof iyo cod ah, waana waqtigii la gelin lahaa tartan furan oo hufan.”

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in siyaasadda Galmudug ay u socoto xagga horumar iyo xasillooni siyaasadeed, ayna tahay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, ay ka gudbaan hadallo la xariira eedeymo hore iyo feker qabiil.

Qoor Qoor ayaa ku booriyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ku tartamaan waxqabad iyo barnaamijyo cad oo shacabka la horkeeno, halkii ay ku mashquuli lahaayeen eedeymo iyo dacaayad siyaasadeed.

“Waqtigu waa mid horay u socda. Bulshadu waxay u baahan tahay waxqabad, ma ahan muran iyo hadallo been ah,” ayuu raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles