Monday, September 1, 2025

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradkaโ€ Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aaminaโ€

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si adag ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilaha u jeediya maamulka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan siyaasad masโ€™uuliyadi ku dheehan tahay oo horseedda hannaanka dimuqraadiyadeed.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri โ€œHaddii aad tabasho leedahay, xisbi siyaasadeed furto. Dadkiina u sheeg waxa aad qabateen. Tabasho joogto ah iyo โ€˜looma dhamaโ€™ waa wax dadka dib u dhigaya.โ€

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan jiri doonin wax fursad ah oo lagu sii cuni karo cabashooyinka salka laโ€™, gaar ahaan marka dalka uu u socdo doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu si cad u yiriโ€Waa la i boobay, kursi ayaa hebel loo xiray โ€” waa hadallo dhamaaday. Waxaan u soconnaa doorasho qof iyo cod ah, waana waqtigii la gelin lahaa tartan furan oo hufan.โ€

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in siyaasadda Galmudug ay u socoto xagga horumar iyo xasillooni siyaasadeed, ayna tahay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, ay ka gudbaan hadallo la xariira eedeymo hore iyo feker qabiil.

Qoor Qoor ayaa ku booriyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ku tartamaan waxqabad iyo barnaamijyo cad oo shacabka la horkeeno, halkii ay ku mashquuli lahaayeen eedeymo iyo dacaayad siyaasadeed.

โ€œWaqtigu waa mid horay u socda. Bulshadu waxay u baahan tahay waxqabad, ma ahan muran iyo hadallo been ah,โ€ ayuu raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles