Farmaajo oo ku baaqay in Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo Shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo la xiriirta arrimaha masiiriga ah ee dalka sida doorashada, amniga, iyo dastuurka.

“Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo dastuurka.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in madaxda Dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, ay si buuxda uga qayb qaataan wadatashiga si loo helo hannaan mideysan oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo loo dhan yahay.

“Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa madashii wadatashiga qaranka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib uga laabto tallaabooyinka dhinac keli ah oo uu khilaaf ka taagan yahay, si loo dhiso kalsoonida siyaasadeed loona xaqiijiyo wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowlad-dhiska.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta madasha wadatashiga qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.”

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles