Farmaajo oo ku baaqay in Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo Shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo la xiriirta arrimaha masiiriga ah ee dalka sida doorashada, amniga, iyo dastuurka.

“Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo dastuurka.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in madaxda Dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, ay si buuxda uga qayb qaataan wadatashiga si loo helo hannaan mideysan oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo loo dhan yahay.

“Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa madashii wadatashiga qaranka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib uga laabto tallaabooyinka dhinac keli ah oo uu khilaaf ka taagan yahay, si loo dhiso kalsoonida siyaasadeed loona xaqiijiyo wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowlad-dhiska.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta madasha wadatashiga qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.”

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles