Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh oo Saalada Ciida Carafo shacabka kula oogay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles