Tuesday, March 3, 2026

Dad shacab ah oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, shil baabuur oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Siinay iyo Afarta Jardiin.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii baabuur xamuul ah oo watay konteenar uu jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaraha uu ahaa mid culus, iyadoo meydadka iyo dhaawacyada loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada.

Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin shilkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Shilalka noocan ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lagu eedeeyaa xawaaraha xad-dhaafka ah, darawalnimo la’aanta iyo kormeer la’aanta gaadiidka xamuulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles