Soomaaliya iyo Algeria oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadam oo ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Algeria, Wasiirka Caafimaadka,  Abdelhak Saihi, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasaarada.

Kulankan oo qeyb ka ah shirarka heer caalami ee lagu xoojinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Midowga Afrika, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca caafimaadka ee Soomaaliya iyo Algeria.

Sidoo kale, wasiirradu waxay isku afgarteen in la abuuro fursado tababar iyo aqoon-kororsi oo loo fidiyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Soomaaliyeed, Algeria ayaa ballan qaaday inay la wadaagi doonto Soomaaliya khibradaha iyo aqoonta sare ee ay u leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka.

Wasiirrada waxay isku raaceen in khibradaha la wadaago si wax looga qabto cudurrada faafa, gaar ahaan kuwa ka dhasha xaaladaha deg degga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Kulanka, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku ammaanay dowladda Algeria kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta iskaashiga caalamiga ah, Waxaa uu tilmaamay in iskaashigan uu door weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles