Saturday, May 2, 2026

Munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Muqdisho iyo Gobolada dalka

Magaalada Muqdisho iyo inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 65-guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.

Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa waxa kasoo qeyb-galay madaxda sare ee dalka, xildhibaanada labada aqal, saraakiil ciidan, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka June ayaa khudbad ka jeediyey, waxaa uuna  tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo.

Sidoo kale wuxuu muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

Dhinaca kale Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaliland ayaa lagu qabtay munaasabadda 26-ka June, waxaana ka qeyb mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro., waxaa uuna caalamka ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliland iin la aqoonsado.

Dhamaan Goobihii lagu qabtay munaasabadaha 26-ka June ayaa waxaa laga taagay Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya saacadu markii ay aheyd 12: 00 Saqdhexe, marka laga reebo deegaanada Soomaaliland.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles