Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska degmada.

Dagaalka ayaa qarxay xilli xiisad la xiriirta dhismo cusub oo laga wado saldhigga Caabudwaaq ay maalmahan dambe ka taagneyd magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, muranka ugu weyn ayaa salka ku haya jihada loo jeedinayo ilinka ama albaabka cusub ee saldhigga, taas oo maleeshiyaadka weerarka qaaday ay si cad uga soo horjeesteen.

Maleeshiyaadka ayaa diidan in ilinka laga jeediyo dhanka ay ku yaalaan hoteello iyo goobo ganacsi, iyaga oo ka cabsi qaba in amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga deegaanka uu saameyn ku yeesho jihada cusub ee laga dhisayo albaabka.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen dagaalka, kuwaas oo isugu jira maleeshiyaad, askar boolis ah iyo dad shacab ah. Sidoo kale, 2 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseynta oo socotay muddo saacado ah.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu dib u qarxo haddii aan la helin xal siyaasadeed oo degdeg ah.

Ilaa iyo hadda maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka kama aysan hadlin xaaladda cusub, inkasta oo warar hoose ay sheegayaan in la wado dadaallo lagu doonayo in lagu joojiyo colaad hor leh.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles