Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaaday Moqokori iyo dagaal xooggan oo socda

Gaarigaasi ayaa lagu dhuftay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Qaraxa kadib, waxaa bilowday dagaal culus oo xiligan ka socda deegaanka Gumare ee degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeya ciidamada weerarka lala beegsaday iyo maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka fulisay.

Goob joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku yahay mid culus, islamarkaana wali rasaas laga maqlayo halka uu qaraxu ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo warinayaa, inkastoo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerarka maleeshiyaadka Al-shabaab ay soo qaadeen, iyadoona halkaasi khasaare lagu gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda.

Wixii ku soo kordha la soco.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles