Sunday, April 26, 2026

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qorsheyaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga 2060 ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa si adag uga hadlay ujeedada dhabta ah ee nidaamka federaalka, isagoo tilmaamay in federaalku uusan ahayn in uu shacabka Soomaaliyeed kala qeybiyo ama uu noqdo albaab laga soo galo si shisheeyuhu u farageliyo arrimaheena gudaha.

Federaalku looma keenin in uu kala dhax dhigo ummadda Soomaaliyeed. Ma ahayn in uu noqdo albaab laga soo galo si faragelin shisheeye loo suurtageliyo. Federaalku waa nidaam loo qaabeeyay in uu mideeyo, cadaaladna dhaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo mararka qaar uu jiro is-maandhaaf saameynaya dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

Farmaajo oo Duubabka dhaqanka ugu baaqay iney hoggaamiyaan xalinta ismari-waaga”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles